Gabar loo xiray sawir ay iska qaadday awgiis

.

Xigashada Sawirka, REHANA FATHIMA

Qoraalka sawirka, REHANA FATHIMA

Haweeney u dhalatay dalka Hindiya oo bishii la soo dhaafay ku guul darreysatay isku day ay ku dooneysay iney ku gasho mid ka mid ah macbadyada ay barakeystaan dadka heysta diinta Hinduuga ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu soo oogay dacwad, ka dib markii ay Facebook-ga soo dhigtay sawir ay iska qaadday iyadoo ay "bowdadeeda qaawantahay", xilli ay ku sii socotay macbadka.

Rehana Fathima oo 32 sano jir ah ayaa si weyn looga yaqaannaa qeybo ka mid ah Hindiya, waxaa howlaha ay qabato ka mid ah farsamada isgaarsiinta, u doodidda xuquuqda dadka kale iyo xayeysiiska dharka.

Ms Fathima ayaa maalintii talaadada ahayd xabsiga loo taxaabay xilli ay ku sugneyd xafiiskeeda oo ku yaalla magaalada Cochin, sida ay BBC-da u sheegtay saaxiibteed oo lagu magacaabo Aarthi SA.

Markii la xiray ka dib, garsoore maxkamadeed oo ay ka soo hor muuqatay ayaa amray in 14 maalmood xabsiga lagu sii hayo, ilaa inta laga dhammeystirayo baaritaanka lagu hayo. Gabadhan ayaa lagu eedeeyay iney sawrikeeda xad gudub ugu geysatay diinta Hinduuga.

Shirkadda Taleefannada ee dowladda oo ay shaqaale u ahayd ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojisay, si looga war sugo natiijada baaritaankeeda.

Horraantii bishan ayey Fathima maxkamadda ka codsatay in ay soo saarto amar booliska ka mamnuucaya soo xiritaankeeda, hase ahaatee garsoorka ayaa ku gacan seyray codsigeeda, taasoo fududeysay in la xiro.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dad mudaharaadeyaal ah ayaa bishii hore Rehana Fathima ka hor istaagay iney gudaha u gasho macbadka

Dad mudaharaadeyaal ah ayaa bishii hore Rehana Fathima ka hor istaagay iney gudaha u gasho macbadka Sabarimala shrine oo gabi ahaanba laga mamnuucay haweenka ku jira "da'da ay cadaada ku helaan".

Dadka heysta diinta Hinduuga ayaa aaminsan in haweenka ay caadada ku dhacdo aysan nadiif ahayn, isla markaana aysan u qalmin iney galaan goobaha lagu cibaadeysto. Arrintan ayaa muran xoog leh ka dhalisay dalkaas, waxaana in muddo ahba socday mudaharaadyo lagu kala qeybsamay.

Bishii 9aad ayey maxkamadda ugu sarreysa dalka Hindiya ku gacan seyrtay mamnuucitaankaasi, iyadoo amar ku bixisay in macbadkaas loo oggolaado dhammaan haweenka ay da'dooda kala duwantahay. Hase ahaatee dadka daacadda u ah dhaqanka macbadka ayaa diiday amarka maxkamadda, iyagoo isku gedaamay goobtaas, si ay uga hor istaagaan cid walba oo aan loo oggoleyn.

Bishii Oktoober, Ms Fathima iyo haweeney kale oo saxafiyad ah ayaa isku dayay iney macbadka galaan, iyagoo gacan ka helayay in ka badan 100 askari oo ka tirsan booliska.

Inkastoo ay tageen dusha sare ee buurta uu ku yaallo macbadka, isla markaana dhowr mitir u jirsadeen ablaabkiisa, haddana dib ayey u soo noqdeen maadaama uu qalalaase ka dhashay halkaas, ayna ismari waayeen booliska iyo dadkii diidanaa in loo gudbo macbadka.

Hadda oo 2 bilood laga joogo markii uu amarka ka soo baxaya maxkamadda, wali ma jirto haweeney gashay macbadkaasi.

Kumannaan qof ayaa loo xiray qalalaasaha ka dhashay arrintan, kuwaasi oo qaarkood la sii daayay, halka kuwo kalena ay wali xiranyihiin.